Posts

Showing posts from February, 2024

MAANSO: HADAF AAN NOLOL LAHAYN

 MAANSADAN WA CALAACAL WAXAY KA TURJUMAYSAWAJIGA XUN EE UU JACAYLKU KEE YAHAY MARKA AAD ISKA JECLAATO QOF AADAN QIIMO AGTIISA KU LAHAYN IYO MARKA AAD CALAF KU HELI WAYDO ADUUNYADA JACAYL AAD KU NOOLAATO. aniga hanashada jacayl Calaf ku helayn marba aniguu hurayaa jirkaygu anigaa hoosiis dareena naftayda u sii horseeda ruux ay madadaalo hayso Anigaa isku sii haleeya Halbowlaha dhiiga qaada Hanaqiyo saablayda dhuuxa Anigaa hoo dhaha wadnaha Qofkii himilada qabyada Guul daro i hogaamin laa Anigaa heesaha jacayl Ku haba ruuxdiyo bogoo Anigaa heer sare aduun Dhabada ka halaabayoo Hadaf aan nolol lahayn Intaan hoygiisa galay Hamigu iga soo af go ay

HEESTA: ASMA

Heestan waxay ka turjumaysa dareenkayga waxaana ugu tallo galay jacaylkayga asma bashiir ismaaciil. Markaan ku hantaan Nasiibka heloo Hadayna asmay indhuhu ku arkayn Oo ay minit qura codkaaga helayn Jirkaa i huroo farxad baanan helayn Siliska qoortiyo Hugaad xirantaan Dhowaansho runtii ka hinaasayaa. Hadaan jiifiyo markaanan hurdayn Hoygiina ayuu Xiskaygu jiraa Anigoo ku helaan macaan sawirtaa. Mudaan ku hamiyay halkaad joogtee Hargaysa anoon cagaha soo dhigan Xiisaha kalgacayl hab aanan ku siin Allow yaanay mowdku geeri i helin Iskadaaba inuu ruux ku hamiyee Harkaad leedaan ka masayrayaa Hadaan jiifiyo markaanan hurdayn Hoygiina ayuu Xiskaygu jiraa Anigoo ku helaan macaan sawirtaa

HEESTA: WAKHTI

Heestan wa hees ka turjumaysa macnaha uu lee yahay dareenka xiisaha jacayl oo aad qof aad kala fogaateen u qaado.... Markay xiisaha warmahu Hilow waaxyuhu qabaan Si uu ii dago wadnuhu Warkaagaan raadiyaa Waynaha qadarkiisa iyo Calafkaa ina kala wadee Waxbaan kula damacsana Kolkii aad ii wici jirtiyo Weedhaad igu dhihi jirtiyo Xasuus baan weheshadaa Markaan walbahaar ku tabo Fariimihii waa hore ahaa Ayaan walwalkiyo kurbada Wanaag uga raadiyaa Wakhtigaa ina kala raroo Waayahaa ina kala dilee Si wayn baan kuu jeclaa Kolkii aad ii wici jirtiyo Weedhaad igu dhihi jirtiyo Xasuus baan weheshadaa

HEESTA:.BALAN QAAD

HEESTA BALAN QAAD WA HEES DAREEN XAMBAARSAN QISO DHAB AH WAXAYNA KA SHEEKAYNAYSA MAR AAN KU FIKIRAY INAN U SHEEGO JACAYLKAYGA INAN KA WARWARSNAHAY MUSTAQBALKEENA DANBE XAALADIISA OO ANIGA O HAYSTA FARXAD AAN HADANA KA BAQAYO INAN KU SII WAARI WAAYO SIDAA DARTEED WAXAN CODSNAYA HADU JIRO BALAN QAAD II CADEEN KARA MUSTAQBALKA JACAYLKEENA....😌 Boqol jeer ayaa uu qalbigu haliso ka badbaaday Baryo kale na maan rabin inaan baxar is galiyaaye Baxnaanada dareenkiyo riyada aynu wada beernay Balan qaad isiisii inaad iiga bixi doonin. Barkintaan la jiifaa walaac badi habeenkiiye Hadaan karo bilaahiye naftaan kuu bixin lahaaye Barakada jacaylkeena sii burji iyo ruuxba. Anigoo ku haystaan baqaa kala  baqoolkeene Cabsi badan kashaa dheelidoo wan balbalaayaaye Ma jirtaa bayaan ii cadayn barisamaadkeena. """""""""""""""""""""""""""""""""...