MAANSO: HADAF AAN NOLOL LAHAYN

 MAANSADAN WA CALAACAL WAXAY KA TURJUMAYSAWAJIGA XUN EE UU JACAYLKU KEE YAHAY MARKA AAD ISKA JECLAATO QOF AADAN QIIMO AGTIISA KU LAHAYN IYO MARKA AAD CALAF KU HELI WAYDO ADUUNYADA JACAYL AAD KU NOOLAATO.


aniga hanashada jacayl

Calaf ku helayn marba

aniguu hurayaa jirkaygu

anigaa hoosiis dareena

naftayda u sii horseeda

ruux ay madadaalo hayso

Anigaa isku sii haleeya


Halbowlaha dhiiga qaada

Hanaqiyo saablayda dhuuxa

Anigaa hoo dhaha wadnaha

Qofkii himilada qabyada

Guul daro i hogaamin laa


Anigaa heesaha jacayl

Ku haba ruuxdiyo bogoo

Anigaa heer sare aduun

Dhabada ka halaabayoo

Hadaf aan nolol lahayn

Intaan hoygiisa galay

Hamigu iga soo af go ay

Comments

Popular posts from this blog

Suugaanta somalida

Gabay: Amaan dumar