Gabay: Amaan dumar

Gabaygan waa tix lagu amaanayo qiima ay lee yihiin hablaha aduunka qaasatan hablaheena somaaliyed..


Amaantay dhabtii leeyihiin dhami haweenkeenu

Tix iyo hadii aan ka dhaho tuducyo dhaadheera

Adigoo dhalaanoo aan aqoon xarafba dhihidiisa

Dhibtay kaa gufeeyaan markaad dhinac ka liidayso

Dhaxantay kaa ilaashaan sidii dharka aad huwanayso

Dhididkiyo waxay kaa xigaan dheeha qoraxeede

Dhunkashiyo waxay kugu habaan ereyo dhiifoone

Naaskay kuu dhigaan oo dhabtay kugu hanqariyaane

Iyada oo dhimatay ka jeceshahay inaad dheeli mudataaye

Dhankastoy ba joogaan habluhu dhaliil ma yeeshaane

Waa dhaalaal iyo iftiin iyo sidii dheeman iyo luule

Waa dhanaan iyo macaan iyo sidii dhuuxa mirihiise

Ka dhowaysta aadanaha kale oo dhiiqo ka ilaasha 

Oo waa mid kula dhalatay iyo sidii dhaxdin xaaskaaye

Sida hooyadii ku dhashay oo kale dheeli ka ogaada

Comments

Popular posts from this blog

Suugaanta somalida

MAANSO: HADAF AAN NOLOL LAHAYN