HEESTA: ASMA

Heestan waxay ka turjumaysa dareenkayga waxaana ugu tallo galay jacaylkayga asma bashiir ismaaciil.


Markaan ku hantaan Nasiibka heloo

Hadayna asmay indhuhu ku arkayn

Oo ay minit qura codkaaga helayn

Jirkaa i huroo farxad baanan helayn


Siliska qoortiyo Hugaad xirantaan

Dhowaansho runtii ka hinaasayaa.


Hadaan jiifiyo markaanan hurdayn

Hoygiina ayuu Xiskaygu jiraa

Anigoo ku helaan macaan sawirtaa.


Mudaan ku hamiyay halkaad joogtee

Hargaysa anoon cagaha soo dhigan

Xiisaha kalgacayl hab aanan ku siin

Allow yaanay mowdku geeri i helin


Iskadaaba inuu ruux ku hamiyee

Harkaad leedaan ka masayrayaa


Hadaan jiifiyo markaanan hurdayn

Hoygiina ayuu Xiskaygu jiraa

Anigoo ku helaan macaan sawirtaa

Comments

Popular posts from this blog

Suugaanta somalida

Gabay: Amaan dumar

MAANSO: HADAF AAN NOLOL LAHAYN