HEESTA: WAKHTI
Heestan wa hees ka turjumaysa macnaha uu lee yahay dareenka xiisaha jacayl oo aad qof aad kala fogaateen u qaado....
Markay xiisaha warmahu
Hilow waaxyuhu qabaan
Si uu ii dago wadnuhu
Warkaagaan raadiyaa
Waynaha qadarkiisa iyo
Calafkaa ina kala wadee
Waxbaan kula damacsana
Kolkii aad ii wici jirtiyo
Weedhaad igu dhihi jirtiyo
Xasuus baan weheshadaa
Markaan walbahaar ku tabo
Fariimihii waa hore ahaa
Ayaan walwalkiyo kurbada
Wanaag uga raadiyaa
Wakhtigaa ina kala raroo
Waayahaa ina kala dilee
Si wayn baan kuu jeclaa
Kolkii aad ii wici jirtiyo
Weedhaad igu dhihi jirtiyo
Xasuus baan weheshadaa
Comments
Post a Comment