HEESTA:.BALAN QAAD
HEESTA BALAN QAAD WA HEES DAREEN XAMBAARSAN QISO DHAB AH WAXAYNA KA SHEEKAYNAYSA MAR AAN KU FIKIRAY INAN U SHEEGO JACAYLKAYGA INAN KA WARWARSNAHAY MUSTAQBALKEENA DANBE XAALADIISA OO ANIGA O HAYSTA FARXAD AAN HADANA KA BAQAYO INAN KU SII WAARI WAAYO SIDAA DARTEED WAXAN CODSNAYA HADU JIRO BALAN QAAD II CADEEN KARA MUSTAQBALKA JACAYLKEENA....😌
Boqol jeer ayaa uu qalbigu haliso ka badbaaday
Baryo kale na maan rabin inaan baxar is galiyaaye
Baxnaanada dareenkiyo riyada aynu wada beernay
Balan qaad isiisii inaad iiga bixi doonin.
Barkintaan la jiifaa walaac badi habeenkiiye
Hadaan karo bilaahiye naftaan kuu bixin lahaaye
Barakada jacaylkeena sii burji iyo ruuxba.
Anigoo ku haystaan baqaa kala baqoolkeene
Cabsi badan kashaa dheelidoo wan balbalaayaaye
Ma jirtaa bayaan ii cadayn barisamaadkeena.
""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""
Baahida naftaydaan macaan Kuu bandhigayaye
Goortaan is baranaan haween baajay kulankoode
Bishmaha umaan furin dhigaa baab walbay tahaye
Sidaan kaaga beegsaday hablaha iigu tollo beerka.
Boga iyo sidii loo sarsaray badi dareenkayga
Booyado kalgaclbaan dartaa soo burqanayaaye
Ha ku jarin bilaawaha xargaha barbarka aad hayso.
Anigoo ku haystaan baqaa kala baqoolkeene
Cabsi badan kashaa dheelidoo wan balbalaayaaye
Ma jirtaa bayaan ii cadayn barisamaadkeena.
Comments
Post a Comment