Heesta muraaqo

Heestan wa hees talantaali ah oo loogu talo galay lamaane magacyadooda la dhaho abdirahman iyo asma ..


 W). Muraaqo haday i haleelsho

Muxibada awgaa u haraado

Garabkaaga midig dhinaciisa

Mar qura laabtaada ku seexdo

Ayaan ku muqsuudi xayaati


G). Masiibo haday dhib i gaadho

Gacantaada midig dhinaceeda

Hadaan madaxaygaba saaro

Mar qura laabtaada ku seexdo

Ayaan ku maqsuudi xabiibi


W). Ma awoodo inaan qalbigaaga

Mansabkiisa inaan wax u gaysto

Muuqaaga hadan ka fogaado

Maskaxdayda ayaa isku buuqda


G). Ma ilaawo sidaad xubigeena

Maamuus ugu yeeshay xagaga

Milgaha libanta aynu gaarnay

Macnaha adigaa u sameeyay


W). Kama maarmo xabiibi agtaada

Kama daalo macaan aragaaga

Adigaa maamula jawigaygee

Murugada ka ilaali dhankaaga


G). Noloshena markan ku midownay

Caashaqa mirihiisa wadaagnay

Wax aan muhadoo aan u baahdo

Ima dhihin mayee waad i deeqday


W).Mar labaad xafladeena arooska

Inaan ku macsuuno asxaabta

Ayuu maankaygu rabaaye

Ma dhignaa xusideena jacaylka


G).Mar labaad xafladeena arooska

Inaan ku macsuuno asxaabta

Ayuu maankaygu rabaaye

Ma dhignaa xusideena jacaylka

Comments

Popular posts from this blog

Suugaanta somalida

Gabay: Amaan dumar

MAANSO: HADAF AAN NOLOL LAHAYN