GABAY: HAMBO,GOOYE
faalo: gabaygan waxaa tiriyay abwaan suusle oo ah nin dhulbahante ah sanadku marku ahaa 2023da ka dib dagaalkii goojacade lagaga guulaystay jamcadii ishuwaneed ee s.n.m amaba somaliland
gabay waxaan habeeyaa markuu ii haboon yahaye
mar hadaan hogtii lala rabay iyo helo dariiqiisa
hal abuurku iigama duwana hoodhan caanaha e
hawraarta maansada mudaan haan u culateene
ka hirqada hilaacii gu,gaa haradu buuxdaaye
hororkii ilaahay ka goo hiigi jiray soole
waa kaa xaqii huursanaa huuba qaadka ahe
hablo dhagaxa tuura oo quray ka hanfariirayne
mar un bay wadnaha kala heleen hooto dhagalaye
libaaxii hamuunta u qabaa soo hamaansadaye
mar hadaan rag wada heeganiyo hub iyo maal haysto
hurdi maayo cadowgii arlada howl yaraan dagaye
hamiga iyo qiirada mudaan hoos u fooraraye
hiyiga iyo laabtii la kacay hiifay nolashiiye
hangaraaricii jabay ma dayn haybadaa soco e
horgal iyo nin liita iila mida heecaygii lumaye
inaan howsha loo joojineen hubanti weeyaane
hayaanka iyo geedigan malmadan haro san loo guurye
hirkaa laaca dheer baa dagmada loo horseed tagaye
haleelada dhashiyo waa inaa hogorku maalnaaye
waa inaa haruubka u cushaa heego xoorbadane
huuyeeda goortay maqleen hugunku yeeraayo
harka yaaca diday looma turin ee habowga ahe
nin waliba hareertuu ka galay hoobay lagu boobye
imikay haraaryoonayaan habaqlahoodiiye
hoobaanta dhiigan u qubay kay harsanayaane
halgan dabadii weeyiyo xornimo hediyo laytaane
jeer ay halyeeyo u go,aan howl yar lagu waaye
anagoo abaar hoolan iyo hogiyo oo joogna
gu, hagaaagay hamash doogleh baa haakah loo dagaye
hanqal taaga cadowgii majiro haarib iyo tuuge
ku hungow humaag iyo waxii loo hadoodilaye
heshiis faranji waa lagu yaqaan hoos daloolada e
hambadiyo qaraamaadkii gaal waw u handanayaane
isaaga bay haaraha ku yaal wali hafeeftaane
ninkii hadimo taliyaa wuu heli abaalkiiye
harka muuse diid iyo inuu hoyga jiifsado ye
holaca iyo dabkii leefay buu heeda doon yahaye
hunguriga ku yaaliyo indhuhu galiye haadaane
hamuun goronyo kii ihi ba waa haarib diimo ehe
hilibkiisa jeeruu ku dhaco haad ma joogsado e
hawo beena haabhaabo yiri hanad daraawiishe
mana hubo waxuu heli markay rag is haleelaane
dulmi huuray uun baa haligay duul habaar qaba e
xaqa lama hor joogsado markuu haysto marinkiiye
hiin raaca gaalada nin jecel hoog allaa badaye
hanfadaha wax badan baa lahaa hooya naga jooge
ma haduu gacmaha hoorsadoo haad u bixi waayay
soomaali wayn laysku humo yaan u howl galaye
hormo goosanihi waa waxaan lay horkeenayne
hambalaaliqii iyo laga bax habacsanaantiiye
haniyaha ninkii tuugayee hebada yeelkiiye
waxaan sharafta qaranka u huwaday waa hanwaynida e
higta baxaysa goojacade iyo hugunka baaruuda
haruunshoode nimankaan lahaa hoy kabaxa soole
waxa haadku dacaroonayaa hilib rag waawayne
hal dib jira waraabaha helee hoos u dayi waayay
dawacada baraar soo hargalay hoy la oran waayay
hanaqaadka go,ay buu cunaa habar dugaagiiye
hoosaasin layguma dago iyo hoos wax lay yiriye
hayiinkii gumaysigu watoow haygu daaline e
waxii horayba loo waayay baa loo handamayaaye
waa hololod iyo been waxay howd la hayaane
waa kaa afkii halowsanaa huuro leefka ahe
anigoo hangool qura sita iyo huure iyo qaare
oo aan hub iyo saanad baran howsarkiyo miiga
hujuun iyo difaac waa aqiin heegan dirireede
maantana waxaa i hantiya kii hidleer gubaye
humbanida la soo uruuriyay iyo huunadiyo tuuga
habaqlaha galbeed waa waxaan lagu habsaamayne
waa habar fadhida oo lagdin howl yar la ahayde
haraatida quroo lala helay horay u duuleene
meeshii hargaysiyo burcay hoogay baxaysaaye
iyagoon war noo haynin baa hoonka loo tumaye
hayaaydii barbara wuu maqlaa harar nin joogaaye
huryo geela naga fuufsahay baan hilow ka shiidaaye
nimanyahow hadhow baa la oran maa wax la hadhaane
hambagooye maantaan dhigaan hadalba kuu oole
hawd iyo nugaal kuuma taal hibiyo maamuuse
hunguriga laf kuu tagan oo halisa weeyaane
ka huleela hagardaamo sool horayba loo eedye
Comments
Post a Comment